DAAWO:- Arrin Cajiib ah oo lagu arkay Dalka Shiinaha iyo Kumaan qof oo usoo daawasho tagay

0

Buundo dhalo ah oo Shiinaha laga furay 13 maalmood ka hor oo lagu tilmaamay in ay tahay mar la arag ayaa la xiray.

Saraakiishu waxay sheegeen in dawladdu ay ku samaynayso dayactir dagdag ah agagaarkaas, lana xiray buundada Jimcihii iyada oo dib laga soo sheegi doono marka la furayo.

Laakiin warbaahinta CNN ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa sheegtay in afhayeen u hadlay Shiinaha uu sheegay in dadkii booqanayay buundada ay xad dhaaf noqdeen.

Wuxuuna sheegay in wax shil ah uusan ka dhicin buundada isla markaasna aysan dildilaacin ama jajabin.

Buundadan dhalada ah ayuu dhererkeedu dhanyahay 430 mitir waxaana ku kacay 3.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxayna isku xirtaa labo buurood oo ku yaala Zhangjiajie, oo ka tirsan gobolka Hunan.

Waxay dhulka ka saraysaa 300 mitir, markii la furayna waxaa lagu sheegay in ay tahay buundada ugu dheer adduunka ee dhalo ka samaysan.

Buundadu waxay maalintii martigalin kartaa oo soo booqan kara 8,000 laakiin afhayeenku wuxuu CNN u sheegay in toban jibaarka dadkaas ay doonayaan in ay booqdaan maalin kaste.

Saraakiisha goobta ay buundadu ku taalo ayaa ogaysiiskooda ku soo daabacay barta baraha bulshada Shiinaha ee Weibo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3