DHAGEYSO:- Afeey oo ka hadlay Arrimo Xasaasi ah, baaqna u diray Ugaas Xasan

0

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka hadlay howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in shacabka labada gobol ay wax raalli isaga yihiin ay sameysanayaan, isla markaana aysan jirin cid lagu qasbayo in shirka Jowhar tagaan.

Danjire Afey oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in muddo labo bilood ay ku jireen arrinta maamulka labada gobol, kadib markii uu hakad galay, iyadoo dowladda Federaalka ka codsaday fududeynta shirka.

“Shirk Jowhar ma than mid IGAD ay wadato oo dan gooni ah ka leedahay, shacabka ku cool labada gobo ayuu dan u yahoo inay sameystaan maamul mideysan, anaga ka IGAD waxaa ka caawineynaa fududeynta shirka iyo sidii labada gobol maamul ay raalli ku yihiin u sameysan lahaayeen”ayuu yiri Danjire Afey.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in muddo saddex jeer uu tagay Beledweyn sidii loo dhameyn lahaa arrimaha tabashada ay qabaan odayaasha reer Hiiraan ee uu hoggaaminayay Ugaas Xasan, isagoo xusay inuu aaminsan yahay in wax kasga wada hadal lagu dhameyn karo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-