XOG XASAASI AH:- Maxaad kala socotaa Shir Qarsoodi ah oo dhexmaray RW Sharmaake & M/weynihii DFKMG Sharifi Sh Axmed?

0

Saxaafada ayaa ogaatay in uu jiro Iskaashi xoog badan oo ka hor imaanaya Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay wadaan Siyaasiin badan oo ka soo jeeda Puntland & magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Kulan gaar ah ayaa markii labaad ka dhacay magaalada Nayrobi Asbuucii lasoo dhaafay, kaas oo dhexmaray Madaxweynihii hore ee dawladda Faderaalka KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed & Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo ay uga wada hadleen arrimaha Xasaasiga ah ee waqtigan ka taagan gudaha Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid aan la shaacin oo siyaasadeed ayaa xogta la helayo ay sheegaysaa inay ka wadahadleen xaaladda doorashada Soomaaliya ee 2016 oo labaduna ay musharax u yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Labada mas’uul oo hore Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare isu ahaa dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa isku baheysanaya sidii ay doorashada soo socota uga adkaan lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Horey labada Siyaasi oo uu sadexeeyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxay ku shireen magaalada Dubia ee dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta, waxa ayna ka wada hadleen arrimaha doorashada oo ay heshiis ku soo gaareen.

Shariif Sheekh Axmed ayaa warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay todobaadyada nagu soo aadan ku soo fool leeyaay deegaanada Puntland, ka dib markii uu dareemay jaanis siyaasadeed oo uu hadda ka helay dhinaca Puntland, maadaama Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uusan taageero badan ka haysan Siyaasiinta iyo Waxgaradka Puntland.

Xogaha Hoose ayaa sheegaya in ay labadan Siyaasi heshiis ka gaareen arrimo badan oo horey u dhexmaray, waxayna si gaar ah diirada u saareen Xildhibaanada ka imaanaya dhinaca Puntland in xooga la saaro, isla markaasna waqti badan la galiyo sidii Xildhibaanadaas loo kasban lahaa, iyadoo warar kale duwana ay soo baxayaan ilaa hadda.