XOG:- Morgan oo Waqooyiga Gaalkacyo soo gaaray , Puntland oo Ciidamo soo dhoobtay Suuqa Wayn ee Gaalkacyo iyo morgan oo kormeer ugu tagay Maxa soo Kordhay ?

0

Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deeganada puntland ay la sheegayaa in uu galabta uu soo gaaray magaalda gaalkacyo isagoona u yimid arimaha xiisada gaalkacyo ka jirto waxaana u yeeray madaxweyne ku xigeenka puntland.

Maamulka puntland ayaa la shegayaa in waqooyiga magalada gaalkacyo ay keenay ciidamo badan kuwasi oo fariimo kala duwan ka sameystay meelo ka mid ah waqooyiga magalada gaalkacyo.

Ujeedka uu gaalkacyo u so gaaray morgan oo ah shaqsi ku caan baxay gacan dagal oognimo ayaa waxaa ay tahay sidii puntland ay xiisad ugu abuuri laheyd magalaada gaalkacyo,

Ilo wargal ah oo la hadlay aya Hobyomedia u shegay in moorgan uu kormeer ku tagay fariisimaha ciidamada puntland ay ku leeyihiin waaqooyiga gaalkacyo.

Hayeshee galmudug ayaa wali ka hadlin dhaq dhaqaaq ciidan oo puntland ay ka wado magalada gaalkacyo balse waxaa la sheegayaa in uu socdo kulan uu madaxweyne ku xigeenka uu la leeyahay qeybaha buslahada gaalkacyo iyagoona la filayo in la so saaro go’aano cad oo ku saabsan xaaalada xaalada.

Maanta ayeey aheyd markii maleshiyaad ka soo jeeda puntland ay dil iyo dhaawac ka geysteen suuqa darxumo ee magalada gaalkacyo.