Wasaaradda waxbarshada oo sagootisay arday deeq waxbarsho ka heshay Shiinaha

0

Wasiiru dowlaha waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku sagootiyay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Shiinaha.

Wasiiru dowlada waxbarshasda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur, ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha iyo masuuliyiinta Safaaradduba deeqdan waxbarasho iyo sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dowladda Shiinaha Weing Hoington, oo ay Soomaalidu u taqaan “Warsame Geeljire” ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqdaasi waxbarasho ee ay dowladdiisu siisay ardayda Soomaaliyeed, isoo sheegay inuu tallaabadani ku faraxsan yahay,taasoo uu ku tilmaamay inay sii xoojinayso cilaaqaadka ka dhexeeya labada Dal iyo labada Shacab.