WAR DEG DEG:- Madaxii Suuqgeynta shirkadda Golis oo shil gaari ku dhintey

0

Allaha u naxariistoo waxaa goor dhawayd shil gaari oo ka dhacay duleedka magalada Garowe ku geeriyooday madaxdii ganacsiga shirkadda Isgaarsiinta Golis Puntland Cumar Faaruuq.

Marxuumka ayaa lagu soo waramayaa inuu geeriyooday kaddib markuu la rogmaday gaariga uu watay, waxaana shilkaasi la sheegay inuu sidoo kale ku dhintey wiil uu dhalay, saddex ka mid ah carruurtiisana ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid kadashay geeridiisa basle maxruumka ayaa si weyn looga yaqaanay deegaanada Puntland ee Soomaaliya.