Turkiga oo shaqada ka eryay shaqaale hor leh

0

Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka eriday siddeed kun oo boolis iyo ciidamo kale isugu jirra.

Tallabadani ayaa qayb ka ah qorshe dowladda ay waday kaddib markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay.

Tan xilligaasina, dowlada Turkiga ayaa shaqada ka eriday dad isugu jirra, shaqaale dowladeed, xaakimada maxkamadaha iyo askar dowladda u shaqaynayay.

Dowladda Erdogan ayaa inqilaabkii dhacay ku eedaysay wadaadka maraykanka dagan ee Fettulah Gulen.

Balse wadaadkan ayaa diiday inuu wax lug ah ku lahaa inqilaabkaasi ka dhacay Turkiga.