TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Arimo badan oo ku saabsan Doorashada Dalka

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uusan jiri doonin wax isbedel ah oo lagu sameeyo Doorashada Soomaaliya ee sanadkan la filayo in ay dhacdo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Doorashada ay dhaceyso waqtigii loogu tala galay oo ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka Dalka.

Axmed Maxamed Islaam oo mudoyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa kulamo siyaasadeed la qaadanayay siyaasiyiinta iyo Madaxda Dowladda Federaalka, waxaana warar dhowaanahan soo baxayay ay sheegayeen in wax ka bedel lagu sameynayo heshiiskii ay gaareen Madasha Qaran.

Siyaasiyiinta iyo sidoo kale Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Dalka oo walaac badan ka muujinayay in sibedel lagu sameeyo arimaha Doorashooyinka la xiriira, ayaa waxaa arimahaasi been abuur ku tilmaamay Madaxweynaha Jubbaland.

7-da Bishan ayaa la filayaa in Madasha Wadatashiga Qaran ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas uu yahay midka ugu dambeeya oo ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida.

HALKAAN KA DHAGEYSO