TOP DHAGEYSO:- AMISOM oo soo bandhigtay Qorshaheeda Xilliga Dorashada Soomaaliya

0

Saraakiisha ugu sareysa ee ciidanka Midowga Afrika ee Howlgalka u jooga Soomaaliya oo kulan yeeshay ayaa waxa ay ka hadleen sida loo sugi karo amniga xilliga Doorashada ee Bilaha September iyo October.

Isbatoore u hadlay ciidanka AMISOM oo lagu magacaabo John Meru ayaa sheegay in kulankooda ay diirada ku saareen sidii ay u sugi lahaayeen Amniga waqtiga Doorashada Soomaaliya, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa nabada iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay isku soo qaadeen sidii weerarada Al-shabaab looga horagi lahaa oo mararka weeraro gaadmo ah ka geysta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar ee Dalka, waxaa sidaasi yiri Isbatoore John Meru.

AMISOM ayaa sidoo kale Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay la shaqeeyaan Booliska iyo Hay’adaha Amaanka, si loo sugo amniga xilliga Doorashooyinka.

Saraakiisha AMISOM ayaa ugu dambeyn balan qaaday in ay ka hortagayaan wax walbo oo carqalad ku keeni kara Doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

Al-shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay weeraro ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO