QORM XIISO BADAN:- Saan Saanta Coladeed ee Gaalkacyo ka Tagan waxay ku soo biyo Shuban doonta hadii aan Laga hortagin Sacad iyo majeerteen mid in uu u haro Gaalkacyo

0

Magalada Galkacyo Wxa ay Hooy u tahay Sanadyadiii Ugu Danbeysay Dagaalo sokeeye oo si sahlan ku bilowda balse si dheer ku dhaamada waxana magaalda ay hada tahay mid hoy u noqotay baqdin iyo argagac ay dadka shacabka ah ee labada dhinac ay ku jiifsadan taasi oo wal walku yahay in magaalada ay dhib ka dhacayaan

Shacabka labada dhinac aya si nabad ah ku jiifan habeenkii waxana shacabka qof kasta uu jiifsada isaga oo aaminsan in saqdhexe uu daaal dhici doono halka qoysaska qaar intoodii awooday horay magalada markii shaqaaqadii ugu danbeyay ay dhacday ay magaalda isaga baxeen kuwaasi oo ka cabsi qaba in dagaalkii ugu danbeeyay mid ka daran magalada uu ka dhaco

inkastoo magalada uu ka dhacay dagaalo kala duwan hadana ma jirto cid magaalada u hartay oo ku guulaystay in magalada ay la wareegto marka laga reebi qax , dhibaato iyo argagax ay shacabka labada dhinac ay hadyad ahan uga helaan siyaasiyiinta labada dhinac ee punland iyo galmudug

Maxaa la isku haystaa oo wali dhiban

Waa marqaati ma donto in waxa la isku hayo ay yihiin wax colaad sokeeye dadka looga dhax dhigo, waxaa mar walba dagaal dad badan uu ku dhinto dhiig badana uu ku daato uu ka bilowanaya arimo fudud oo si fudud loo xalin karo balse isla qabwaynida puntland aya keenta in la is faro saaro oo magaalada shacabka laga qixiyo

MAJEERTEEN IYO SACAD WAY IS YAQAANAAN

Labada beelood ee magalada daga si wayn ayay isku yaqanaan oo dagaalo horay aya la isku bartay waxayna ka dharagsan yihin in magalada wax walba oo dhaca ay san jirin cid lahaandoonta balse waxaa jira cilad kale oo ah in ay isku xiisaan labada belood ee magaalda wadata waxana dagaalku uu u qabta sida ” shaaxa oo kale waana qasab in sanadkiiba ay mar is qabtaan oo la is faro saaro su,aasha ay is waydiinta mudanse waxa ay tahay maxaa magaalada yar ee kooba cid looga saari la,yahay?

ma jirto cid u haysa jwaaab aan ahayn qax iyo dhibaato lagala kulmo dagaalkaasi ee mar walba dhaca , dib u xasuuuso dagaalkii ugu danbeeyay ee gaalkacyo wixii dhacay maxy puntland ka dheeftay aanan hayn qax iyo in xaafadahooda gudha loo galo hadana awood ciidan loo shegto iyadoo aan wax dhib ah loo gaysan ‘ birimageedadii ” waad aragten wixii ka dhacay garsoor ” maxay puntland ka dheeftay waad aragteen maxaabiistii laga qabqabtay maxay puntalnd ka dheeftay”

DANTA LAGA LEEYAHAY COLAADA GAALKACYO

Sida aan la wada socono maaamulka hada uu majaraha u haayo gaas waxa uu ku fashilmaya awoodii shacab iyo midii amni ee loo igmaday waxaa dhacaya isbadal , qaraxyo ,dilaal qorsheysan iyo colad beleed aya puntland gashay hadaba wadiiqo cusub ayuu gaas fakaray taa oo ah in reer mudug la is tusiyo si uu u helo awooda beelaha oo u sheego in furin dagaal ay ku furan tahay puntland si meesha ay uga baxdo in lagu kaco waxaana majeerteen oo hadii la yiraah sacad aya gaalkacyo nagala wareegaya uu ku kacayo dhiiga aya keenaysa in dadka lagu maaweeliyo dagaalo sokeeeye si danihiisa siyaasadeed uu u gaaro

MORGAN IMANSHIHIISA GAALKACYO WAA WADO HURIN COLAAD HOR LEH

Morgan aya yimid waqooyiga Gaalkacyo , markii uu yimid isagoo nasan ayuu tagay Goobihii puntland ay ciidankeeda geysay sida suuqa wayn , kontaroolka gaalkacyo dhanka puntalnd , airporta gaalkacyo halka oo ciidan badan ay dhigtay puntland waxa uu la kulmay sarakiishhii isagoo kulamo hoose la qaatay

ma kula tahay in xal nabadeed uu wado”’“`??? waa wado labaad ee puntland ay hada ku doonayso hurinta colaaded ee gaalkacyo laakin cid walba ayay nabadu dan ugu jirta hadii dhinac laga waayo waa iska caadi wixii dhici jiray aya dhacaya oo is barashada aya sii soconaya balse morgan dantiisa lagama hor dhici karo laakin ilo xog ogaalnimo ah aya hobyomedia,com in hurinta colaada gaalkacyo uu qayb ka yahay sarakiishuna uu ku boorinayo hadii markan uu dagaal dhaco in magalada cid ay u harto waa wado kale oo sahlaysa colaada gobalka

SHACABKA LABADA DHINAC WAY DULMAN YIHIN

markii dagaal uu dhaco waxa dhimanaya intooda badan waa shacab waxa qaxayana waa shacab waxa hanti iyo maalba ku waynaya waa shacab ,iyagu ma doonayan ganacstada majeer iyo sacad in uu dagal dhaco balse awood ciidan ayaa jirta oo aysan ka hadli karin mana jirto cid doonaysa in uu gaalkacyo dagaal uu ka dhaco xog aruurin ay sameysay hobyomedia,com oo arimahan dhawantan isha ku haysay si loo ogaado bal in fikirka ay shacabku la qaban siyaasiyiinta

UGU DANBEYN HADII AAN LAGA HORTAGIN GAALKACYO DAGAALKA KA QARXI DOONA MA NQOON DOONO MID SAHAL KU ISTAAGI DOONO

Marka la eego awooda ciidan , iyo mid siyaasadaysan hadii aan laga hortagin saan saanta hada muuqata oo aan la isku xil saarin dagaalka gaalakcyo dib uga qarxi doona waxa uu nqoon doona mid tarikhda gala oo magaalada dabaqyo badan dhulka keeni doona , magalada waxa ay noqon doonta qaabka magaalada ‘HOMES” ee SYRIA Waayo cid walba hubka ay magaalda keentay waaa mid aan lagu tala galin in magaalo lagu adegsado

Hadii laga eego dhanka siyasaduba waa awood kale oo qarsoon oo lagu sii horinayo xiisada gaalkacyo

Gaalkacyo Nabad ayay rabta uma baahna colaad hor leh