Madaxweynaha Uzbekistan oo geeriyooday

0

Xukuumadda Uzbekistan ayaa markii ugu horreysay shaacisay geerida madaxweynihii dalkaasi Islam karimov, oo si weyn u xanuunsanaa markii uu dhiig madaxa kaga furmay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Islam Karimov oo 78 jir ahaa ,ayaa dalka Uzbekistan soo xukumayay 24-kii sano ee lasoo dhaafay,markaas oo ay ka xoroobeen Midowgii Sofiyeeytiga ee bur-buray 1991-kii.

Uzbekistan ayaa ku taalla Bartamaha qaaradda Aasiya, waxaana dadkiisa lagu qiyaasaa 30 milyan,waxanay shacabka dalkaasi intooda badani haystaan Diinta Islaamka.