Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

0

Magaalada Jowhar ee caasumadda gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee loogu diyaar garoobayo shirka maamul u samaynta labada gobo loo maalinta burrito ah lagu wado inuu ka furmo halkaas.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamo hor leh la geeyay magaalada, waxaana maalmahan halkaasi ka soconayay olole nadaafadeed oo sare loogu qaadayo goobta uu shirk ka furmi doono iyo guud ahaan magaalada Jowhar.

Waxaa lagu wadaa inay Berrito gaaraan Jowhar masuuliyiin ka socota dowladda federaalka si ay u furan wejigii u dambeeyay ee lagu dhisi lahaa maamul ay ku mideysan yihiin labada Gobo lee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

12-kii Janaayo ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud furay shirka maamul u samaynta labada gobo loo ay gogoshiisu taalla magaalada Jowhar, kaasoo soo maray marxalado kala duwan iminkana lagu wado inuu miro dhalo.