Ganasade ka tirsanaa Shirkadda Dahabshil oo xalay lagu dilay Laascaanood xilli mid kalana lagu Dhawaacay isla Weerarkaas

0

Wararka ka imaanaya Laascaanood ayaa sheegaya in xalay lagu dillay magaladaas ganacsade iyadoo falkaas uu ka dhacay agagaarka Masjid Jaamac ee magaladaas .

Ganacasadahaas lagu magacaabo Maxamed Xersi Yuusuf ayaa la xusayaa in uu ahaa madaxii xisbaadkaan shirkadda Dahabshil ee gobolka Banadir kaasi oo booqasho ku joogay magaaladaas .

Sidaas oo ay tahay ma jirto illaa haatan warar rasmi ah oo sheegaya in ganacasadahaas uu ka tirsanaa maamulka shirkadda dahabshiil Dahabshil.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in weerarkaas sidoo kale lagu dhaaawacay ganacsade kale oo lagu magacaabo Siciid Cabdi Faandhe kaasi oo uu dhaawaciisa culus yahay .