Ganacsiga Dekada Boosaaso qeybta dhoofinta Xoolaha oo hakad galay maanta

0

Mudo Dhor Maalin Ayaa Waxaa Gaalkayco ku Xaniban Gawaarida Koonfurta Somalia ka Keenta Xoolaha iskugu Jira Ariga iyo Lo.da,

Ganacsatada iyo Darawalada Wada Gawaaridaasi Ayaa Diiday in Rarkooda ku Wareejiyaan Gawaari ka Dhex Shaqeysa Puntland iyagoo Codsaday in la Baaro isla markana la Fasaxo,

Arintaasi iyo Go.anka Ay Qaateen Darawada Gawaarida Ayaa Keentay in Hakad uu ku Yimaada Qeebta Dhoofinta Xoolaha Ariga iyo Lo.ada oo Halkaasi laga Raro,

Mid kamid ah Ganacsatada Dekada Boosaaso Ayaa Sheegay in Saameyn Xoogan ku Yeelatay Go.anka Ay Qaateen Darawada Gaadiidka ay ku Diideen Wareejinta Xoolaha,

Waxa uu intaasi ku Diray in ay Sameenayaan Kacdoon Arintaasi looga Soo Horjeedo Madama Dhaqaalaha Puntland uu ku Tiirsanyahay Dekada Boosaaso,

Cali Aadan Ayaa Geesta kale Waxa uu Tilmaamay in Ganacsata Xoolahoda  ka Dhoofin karaan Meelo kale Hadii Arintan sii Socoto,

1