Faah faahin weerar Shabaab ay ka geysteen Shabeelaha Hoose

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaab ay xalay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Afgooye.

Dagaal saacado kooban qaatay ayaa ka dhacay Deegaanka Cadow-dibile oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhiga ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Deegaankaasi.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Dagaalka uu geystay khsaare soo kala gaaray labada dhinac, sidoo kalena ay ku dhinteen ilaa iyo 4 Qof oo shacab ah.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay qorsheynayaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo looga saarayo Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan weerarada Shabaab ay maalmihii u dambeeyay ku soo qaadayeen Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay dadka qaar ay hada bilaabeen in ay barakac sameeyaan.