DAAWO:- Sarkaalka Daacish ka tirsanaa ee Gobolka Baay iyo Alshabaabkii la soo bandhigay

0

Taliska Ciidanka Nabad Sugidda Gobolka Baay ayaa Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Afar ruux oo ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Galgala ee u qaabilsanaa Gobalka Baay.

Ragga la qabqabtay ee uu soo bandhigay Taliska NISA ee Koofur Galbeed ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Kooxda Daacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sheekh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Saraakiisha Ammaanka Koofur Galbeed ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Raggan la qabtay Afar Maalin ka hor, islamarkaana si qarsoodi ah uga dhex shaqeynayeen Magaalada Baydhabo, markii xogtooda laga war helayna ay ciidamada Ammaanku gacanta ku dhigeen.

Dowladda Mareykanka ayaa Isbuucaan Horraantiisii liiska Argagixisada ku dartay Sarkaalka Kooxda Daacish C/qaadir Muumin, kaas oo ay sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya.

3 4

2 1