Al Shabaab oo Weeraro kala duwan ka geystay Gobolka Sh.Hoose

0

Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Degmadaasi.

Weerarkan oo ka dhashay khasaaro kala duwan ayaa Dableydan hubeysan oo loo maleynayo Al Shabaab ayaa waxey ku ekeeyeen Saldhig Xoogaga Dowladda ay ku leeyihiin Degaanka Cadoow-Dibile oo dhaca Duleedka Degmada Afgooye.

Degmada Afgooye ayaa qiyaas ahaan 30Km dhanica Koonfureed waxey uga beegan tahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Mgaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay iska caabiyeen Weerar ay soo qaadeen Al Shabaab.

Balse mas’uuliyiintan weli kama aysan hadlin khasaaraha la sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay.

Dhinaca kale, Dagaal yahano ka tirsan Al Shabab ayaa Weerar Xoogan ku qaaday fariisin Maleeshiyaad hubeysan ay ku leeyihiin Degaanka Ceel-Wareegoow ee Gobolka Sh.Hoose.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xusay in ay Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Degaanka Ceel-Wareegoow.

Geesta kale, Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa beeniyay wararka ku aadan in Al Shabaab ay hanteen Maamulka Degaanka Ceel-Wareegoow ee Gobolka Sh.Hoose.

Inta badan Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Weeraro gaadmo ah ku qaada Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.