XOG CUSUB:- Maxaa ka jira Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug

0

Waxaa aad usii xumaanaya xiriirka ka dhaxeeya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Guuleed uu Xasan ku eedeeyay inuu isaga raali ka yahay xubnihii dheeraadka ahaa ee Puntland loogu daray, sidaa darteed ka Galmudug ahaan aanay taaasi aqbali doonin.

Guuleed wuxuu u sheegay Xasan Sheekh in aanu isna ku tashan inuu ka saacido in mar kale uu dib usoo Laabto, waxaana taasi ay keentay in Madaxweyne Xasan aad uga caroodo.

Madaxweynaha ayaa ugu doodiyey Guuleed in isna meesha laga saari doono laguna bedali doono Odowaa oo ay aad isugu dhowyihiin Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaaladda Labad Mas’uul ayaa ah mid adag, xilli la wada ogsoonyahay in Xasan Sheekh iyo Guuleed ay ahaayeen kuwo mid ah oo aan la kala dhexgali karin.