WAR DEG DEG:- Shirkii Golaha wasiirada oo la soo gaba gabeeyay iyo Al-shabaab oo si weyn looga hadlay

0

Golaha wasiirada dowladda Soomaaliya oo maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaqiijinta ammaanka Soomaaliya.

Qodobada ay sidoo kale ka hadleen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa la dagaalanka Al-Shabaab.

Shirka golaha wasiirada waxaa maanta shir gudoominaayay Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib , waxayna si aada uga hadleen xasilinta amniga dalka .

Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaan dhiga Soomaaliya ayaa kulanka golaha wasiirada ka sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay bilaabayaan howgal xoogan oo lagu kala dagaalamaayo Al-Shabaab , waxaana uu wacad ku maray in ay laba jibaari doono dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in irida Madaxtooyada Soomaaliya loogu magac daray mid ka mid ah askartii ku dhimatay weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL kaa soo lagu magacaabo Bashiir Abshir.