WAR DEG DEG:- Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalda Boosaaso

0

Qarax aad uxoogan ayaa laga maqlay Duleedka Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Ganacsiga Maamul Gobolleedka Puntland sida ay sheegeen dad deegaanka ah.

Nuuca qaraxa uu ahaa lama oga waxaase loo maleenayaa inuu miino ahaa lala Eegtay Gaari Shirkada Saraasan (Saracen Security) ee ka shaqeysa Deegaanada Puntland.

Baabuurka la qarxiyey ayaa marayey sida la sheegayo Tuulada Bali Khadar oo Duleedka kaga began Boosaaso waxaana la ogeyn khasaaraha gaaray dadkii gaarigaasi la socday.

Warbaahinta Internet-ka Ee Ururka Al Shabaab ayaa lagu baahiyey Qoraal looga hadlayey Qaraxaasi balse laguma cadeyn waxyeelo qaraxa uu geystay iyo inay ka dambeeyaan iyaga.