WAR DEG DEG:- Masuul Al-Shabaab ka tirsan oo lagu dilay Duqeyn

0

Diyaarado dagaal ayaa habeenkii xalay ahaa waxay duqeyn ka geysteen duleedka degmada Jilib, gaar ahaan saldhig Xarakada Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Duqeyntaasi ku dhintay sarkaal magac ku dhex Al-shabaab islamarkaana howlmuhiim ah u hayey Kooxda.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Maahir Axmed, waxaana la sheegay inuu qaabilsanaa soo xero gelinta dhallinyarada la doonayo inay ka mid noqdaan Al-shabaab, gaar ahaan waxa uu ka howlgalayey gobollada Jubooyinka.

Sarkaalkan waxaa la dhintay Saddex ka mid ah ilaaladiisa, iyadoo sidoo kale ciidan badan oo Al-shabaab ah naloo xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhaawacmaayen.