TOP+XOG:- Siyaasiyiin Shaki ka mujiyay Dadajinta Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Iyadoo maalinimadii shalay Urur Goboleedka IGAD ay ka dhawaajiyeen in 3-da Bishaan dib u furmayo Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe islamarkaana la dadajinayo ayaa waxaa arrintaasi Shaki ka muujiyay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka ee labadaasi Gobol in ay ka biyo diidaan go’aanka ka soo yeeray IGAD isagoo intaas ku daray in shirkaas dano gaar ah laga leeyahay, dowladdana ay ku fashilantay.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame ayaa sheegay in sababta loo dadajinayo shirka maamul u sameynta labada Gobol ay tahay in la doonayo Sed Bursi , Afduub iyo xatooyo.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isaguna sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uusan wax horumar ah uusan la dooneyn Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastab waxaa Maalinta Sabtida ah ee 3-da Bisha September lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Jowhar Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.