TOP DHAGEYSO+SAWIRRO:- Puntland oo dhaqan gelisay go’aankii Gaadiidka Koofurta uga joojisay deegaanada Puntland

0

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u dhaqan geliyay Xariyaaddii ay saareen gaadiidka ka gala dhanka Koofurta dalka,waxaana wareegto ay horay u soo saareen ku mamnuuceen in laga billaabo September 1 aanay Gaadiidka ka gala dhanka Koofurta u gudbi karin Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Afhayeenka Maamulka Puntland Quraam Jecel oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amarkii ay soo saartay Puntland uu sidiisa u dhaqan galay,waxaana uu digniin u diray Wadayaasha Gaadiidka in ay maraan Waddooyin qarda jeex ah.

Quraan Jecel ayaa sheegay in Xudduudaha Maamulka Puntland ee sida uu yiri Buuhoodle ilaa Garacad ay xiuranyihiin lana ogoleyn in Gaadiidka aysan u gudbi karin Dhanka Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO

1 2 3 4 5 6 7