TOP DHAGEYSO:- Warkii ugu dambeeyay Dagaalka dhacay Gobolka Sanaag

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo shalay galin dambe maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sanaag.

Waxgaradka deegaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada ku dhawaad 4 qof oo ka mid ah maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay deegaanka.

Dhaawaca oo gaaraya 10 ruux ayaa la sheegaya in la gaarsiiyay isbitaalada gobolka Sanaag.

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamay gobolka Sanaag in ay dagaalka Joojiyaan , islamarkaan ay nabada qaataan.

Dagaal ayaa la sheegaya in uu yimid ka dib maleeshiyo beeleed hubeysan ay dhawaan deegaanka Ceel lafweyne ee gobolka Sanaag ay ku dileen dad xoolo dhaqato ah.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay ku baxeen goobta uu dagaalka ka dhacay si ay xaalada u dajiyaan .

Waxgaradka labada dhinac ee ay dirirto dhexmartay ayaa wada dadaalo lagu doonaayo in laga hortago dagaal marka kale ka dhaca gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Ceel Lafweyne.

Xaalada deegaanada shalay lagu dagaalamay ayaa dagan sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dad deegaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO