TOP DHAGEYSO:- Tarsan oo soo bandhigay sida uu yeeli doono Al-Shabaab Hadii Madaxweyne loo doorto

0

Soo jiidashada Dareenka Shacabka Xilliga Murashnimada la yahay waa mid looga bartay waayihii dambe Shakhsiyaadka doonaya Xilka Umadda Soomaaliyeed ay ku Hogaamin lahaayeen.

Murashax Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa waxa uu sheegay in Hadii Madaxweynaha Soomaaliya loo doorto uu Xamar ka ilaalin doono Ururka Al Shabaab.

Daacadnimo iyo Daneysi gaar ah mid ay tahay lama Cabiri karo waxaase Tarsan uu sheegay in Hay’ado Amni oo wax tar leh uu dhisayo oo ka duwan kuwa haatan Qabiilka la isku geeyo ee Amni darada Muqdisho dhaxal siiyey.

Bil gudaheed ayuu sheegay in Xamar uu ka dhigayo hadii alle Idmo meel ka caagan Al Shabaab iyo Amni daro ay geystaan waa hadii uu xilka Madaxweynaha helo.

Warkaasi ayaa wacaal geliyey Shacabka Muqdisho oo farax ayey dareemeen Shakhsi ka dhabeyn kara Hadalka Tarsan kasoo yeeray waxaase ay ku sheegeen War Murashax uu yiri oo markii la doorto jeebka uu ka buuxsanayo Hantida Qaranka.

HALKAAN KA DHAGEYSO