Sharci qaxooti oo ka hirgalay gobolka Bavaria ee Jarmalka

0

Sharci maanta ka hirgalaya gobolka Bavaria ee Jarmalka ayaa u ogolaanaya dowladda inay qaxootiga cusub u sheegaan meesha ay degi lahaayeen.

Dhamaan qaxootiga ay dowladda siiso lacag iyo guri ayaa la gayn doonaa magaalooyin iyo tuulooyin ay tahay inay degaan ilaa saddex sano.

Waxay kamid tahay sharciyo cusub oo loogu tala galay in lagu caawiyo qaxootiga inay dhexgalaan bulshada Jarmalka, oo aysan iyaga kaligood isku meel degenaan.

Laakiin dadka dhaleecaynaya sharciga, ayaa sheegaya in is dhexgalida bulshada ay ku xiran tahay in qaxootiga laga caawiyo inay bartaan luuqada, iyo inay helaan shaqo ama tababar.