Qorax Madoobaad Maanta laga arkay Dalal ka mid ah Qaarada Afrika

0

Sida ay ku waramayaan Qaar k mid ah warbaahinta Caalamka , waxaa maanta Qorax Madoobaad lagu arkay dalal ka mid ah Qaarada Afrik oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Magaalooyinka Muqdisho , Caabudwaaq iyo sidoo kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka mid ah meelaha Soomaaliya maanta laga dareemay Qorax madoobaadka sida ay sheegeen Qaar ka mid ah dadka kunool Magaalooyinkaasi.

sidoo kale dalka Kenya oo Soomaaliya Daris la ah ayaa muddo ku dhow afar saacadood waxaa lagu arkay Qorax Madoobaad sida ay sheegtay warbaahinta dalka Kenya.

Meelaha Qorax Madoobaadka lagu arkay waxaa ka mid ah Nakuru, Eldoret, Kitale iyo magaalooyin ka mid ah dalka Kenya.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in dadka kunool magaalooyinkaasi aysan muddo saacado ah aysan arkin Qoraxda.

Dalka Kenya ayaa markii ugu dambeysay oo lagu arkay waxa ay aheyd sanadkii 2013 markaasi oo lagu arkay deegaanka Turkana.

Sidoo kalena wararka ayaa sheegaya in Maanta qeybo ka mid ah dalka Itoobiya laga dareemay Qorax Madoobaad.

Qaar ka mid ah bulshada kunool magaalooyinka Boosaaso iyo Caabud Waaq ayaa sheegay in ay arkaayeen Qoraxda oo qeyb ka mid ah ay madoobaatay.