Doorashada Gabon: Ciidamada ammaanka oo weeraray xarunta mucaaradka kadib muran ka dhashay doorashada

0

Iska hor imaad ayaa ka dhacay Gabon, kadib markii madaxweynaha xilka haya Cali Bongo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada in ka yar lix kun oo cod.

Mucaaradka Jean Ping, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada ammaanka ay galeen xarunta mucaaradka xalay.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in howlgalka loogu tala galay in lagu helo dadkii masuulka ka ahaa gubista baarlamaanka Arbacadii.

Kormeeraha doorashada ee Midowga Yurub, Sarah Crozier, ayaa xaqiijisay in iska hor imaadyo ay ka dhaceen magaalo madaxda Libreville iyo Port-Gentil.