DHAGEYSO WAR CUSUB:- Hiiraan labo Gobol ayuu noqonayaa haddii Buulo Barte noqoto Caasimad

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid aj Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka kana soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu labo Gobol noqonayo haddiiba ay caasimad noqoto magaalada Buulo Barte ee Gobolka Hiiraan.

Daahir ayaa sheegay in Caasimadnimada Buulo Barte ay ka dhigantahay guul ay gaareen Shacabka Hiiraan islamarkaana ay noqoneyso riyo u rumowday sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay Gobolka Hiiraan uu dib u dhac kala kulmay dhamaan Dowladihii soo maray dalka sidaa darteedna ay hadda fursad u tahay in la isku daro Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,taas oo uu sheegay in ay iska caddahay in Gobolka Hiiraan uu labo noqonayo.

Shirka Sabtiga ka furmaya magaalada Jowhar ayuu soo dhaweeyay Xildhibaan Daahir Jeesow,waxaana uu rajo ka muujiyay in maamu ay u mideysanyihiin Dadka labada Gobo lee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu ka soo boxo.

Odayaasha,Siyaasiyiinta,Dhallinyarada iyo haweenka labada Gobol ayuu ugu baaqay in ay midoobaan kuna midoobaan Maamulka labada Gobol,markaas oo uu sheegay in dib u dhaca labada Gobol ka heysta dhanka Dowladda dhexe ay uga baxayaan marka ay sameystaan maamul Goboleed la mid ah kuwa ka jira dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO