Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Sool

0

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo khasaaro kala duwan geystay uu ka dhacay halkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu socday muddo saacado ah sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas kabadana waa ay ku dhaawacantahay sida ay sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Sool.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Sool ayaa wada dadaalo lagu doonaayo in lagu hakiyo dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Sool.

Labada beelood ee ku dagaalantay deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sool ayaa horay waxaa u dhex dhaxaadiyay maamulka Somaliland.