DAAWO: Fadeexad yaab leh oo ku soo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Puntland & Dacwad loo haysto

0

Ganacsade C/raxmaan Jaamac Cismaan oo magaalada Garoowe ku leh Hotello iyo meherado kale oo ganacsi ayaa sheegay inuu Dacwo ka yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Camey, oo uu sheegay inuu Hotelkiisa Dajiyey Wafdi odayaal ah, Wuxuuna sheegay inuu diiday inuu Bixiyo Lacagtii lagu yeeshay.

Ganacsade C/raxmaan wuxuu sheegay in wafdigaasi ay hotelka ka galeen lacag gaaraysa Labo kun iyo Siddeed boqol oo doollar ($2,800), markii uu xafiiska Madaxweyne ku xigeenka tagayna la siiyey warqad been abuur ah oo uu lacagta ku doonto, halka ugu dambayntiina loo diiday lacagtiisii oo ay gaartay inuu warbaahinta la hadlo.

Sidoo kale Gabadh muddo ka dib Hotelka Istanbuul ee Garoowe ka Kiraysatay Ganacsade C/raxmaan Jaamac Cismaan, ayuu sheegay inay sidaas oo kale lacag dayn ah ku yeelatay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, iyadoo markii dambe Gabadhii loo diiday lacagteedii ayna Jirdil u gaysteen Ilaalada Madaxweyne ku xigeenku.

HALKAAN KA DAAWO