Afeey: “waxaan ka digayaa in la is hortaago dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh.Dhexe”

0

Wakiilka Urur Goboledka IGAD,ee Soomaaliya ayaa sheegay in Bulshada Hiiraan Iyo Sh.dhaxe uu horumarkooda ku xiran yahay in ay dhistaan Maamul ay ku mideysan yihiin.

Ambassador Maxamed Cabdi Afeey, ayaa Saxaafada Muqdisho ugu Sheegay in helitaanka xuquuqaha Dowlada dhexe ay ku leeyihiin Shacabka labada Gobol ay ku xirantahay iney dhistaan Maamul ay ku mideysanyihiin si loosii marsiiyo.

Maxamed Cabdi Afeey ayaa ka digay in la is hortago qorshaha Xiligan lagu dardargalinayo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameeyay Guddi ka shaqeeya dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,kuwaas oo la kulmi doona Odayaal ka soo kala jeeda Labada Gobo lee maamulka loo sameynayo.

Afeey,waxaa uu sheegay in ka hor inta aysan dhicin doorashada Soomaaliya ay doonayaan in ay dhameystiraan Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.