Donald Trump oo booqasho ku tagaya Dalka Mexico iyo Ciidankii ugu badnaa oo la geeyay..

0

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago dalka Mexico, saacad ka hor inta uusan jeedin khudbad uu uga hadlayo sharci darada arrimaha socdaalka.

Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu la kulmi doono Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, kadib markii uu casuumaad ka helay.

Sidoo kale Madaxweynaha Mexico ayaa sidoo kale casuumay musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton.

Mr Pena Nieto ayaa sheegay in wada hadaladan ay caawinayaan sidii loo ilaalin lahaa dhamaan dadka Mexican meel kasta ay joogaan.

Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololaha waxaa uu si kulul u cambaareeyay muhaajiriinta Mexican ee ku soo qul qulaya Mareykanka.

Hadaladii ugu kululaa ee lagu xusuusto intii uu ololaha ku guda jiray waxaa ka mid ahaa inuu darbi weyn ka dhisayo xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico.

Donald Trump ayaa dhowaan is bedel ku sameeyay Guddigiisa Ololaha doorashada, isagoo xilka ka qaaday Madaxii Ololaha doorashadiisa, waxaa uu doonayaa inuu saxo qaladaadkii uu galay, isla markaana uu kasbado dadka Mareykanka ee u arka inuu yahay nin qalafsan.

Bisha November ee soo socota ayaa lagu wadaa in dalka Mareykanka ka dhacdo tartanka doorashada Madaxtinimada, iyadoo markii u horeysay taariikhda Mareykanka ay Haweeney u tartameyso xilka Madaxtinimada dalkaas.