DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo Hay’adda UNCHR ku eedeeyay in ay dayacday Qaxootiga ka soo laabanaya dalka Kenya

0

Maamulka Jubbaland ayaa Hay’adda  UNHCR ku eedeeyay inay dayacday Soomaali badan oo Qaxooti ku ahaa dalka Kenya oo Kismaayo la geeyay.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hay’adda UNCHR ay dayacday Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab soona gaaray magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in UNCHR ay dad aad u farabadan ay soo dhoobeen magaalada Kismayo ka dibna ay faraha ka qaaday.

Dhawaan gudoomiyaha gobolka  Jubada Hoose Cabdirashiid Gooni ayaa sheegay in dadkii kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ay dhibaatooyin kala duwan ku heystaan magaalada Kismaayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-