XASAASI:- Wasiir ka tirsan Jubbaland oo ku Hanjabay inay adeegsan doonaan Qaab qabiil

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in manta oo talaado ah Xaaladu ay tahay mid yara Xasiloon kadib Xiisado iyo Rabshado ka jiray Magaalada Buula Xaawo labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa isha kala socda waxa jiray waxaase magaalada ay noqotay mid dhaq dhaqaaqeedu yaraatay haba ugu badnaatee shalay markii dagaalka uu dhacay.

Ciidanka Jubbaland iyo Maleeshiyaad Hubeysan ayaa waxay ku dagaalameen Shalay Magaalada B.Xaawo waxaana ku dhintay Afar qof dagaalkaasi iyadoo 13 kalena ay kudhaawacmeen.

Wasiirka Amniga Jubbalanad C/rashiid Janan ayaa ku hanjabay in Qaab qabiil u adeegsan doonaan hadii la joojin waayo qabiilka lagu beegsanayo ciidankiisa jooga magaaladaasi.

C/rashiid Janan ayaa Amar ku bixiyey in Maleeshiyaadka Hubeysan laga saaro Magaalada si aysan udhicin dagaal la mid ah kii khasaaraha geystay shalay dhacay.

Maamulka Jubbaland ayaa Isbuucaan waxey maamul usameeyeen Buula Xaawo taasi oo maleeshiyaadkii dagaalka soo qaaday ay ka biyo diideen maamulka lasoo yagleelay qaab beeleedna ku tilmaamay in wax loo soo dhisey.