DHAGEYSO:- Kulan looga soo horjeedo Isir naceybka oo ka dhacay Mareykanka iyo Go’aano ka soo baxay

0

Qaybo ka mid ah Bulshada ku nool Gobolka Minnesota ayaa waxa ay ka soo qeyb galeen kulan looga hadlayay dhibaatooyinka qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ku heysata Dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa soo Agaasimay ururka Dumarka lana magac baxay (Voice of East Africa Women), iyadoo ujeedada ururkan ay tahay sidii ay ugu ololeyn lahaayeen codka dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Munaasabadan Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Governerka Gobolka Mark Dieten, waxana uu khudbad ka jeediyay kulanka.

“Wax fursad ah haba yaraatee malahan in lagu midab takooro dadka isirkooda iyo waliba Diinta ay aaminsan yihiin dadka ku dhaqan Gobolkani waxa ay xaq u leeyihiin xornimada Diintooda oo dhameystiran” Ayuu yiri Mark Dieten.

Gabdhihii ka hadlay goobta waxaa ka mid aheyd Farxiyo Khaliif waxa ay ka hadashay dhibaatooyinka heysta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-