DEG DEG+AKHRISO:- IGAD & UN-ka Oo la wareegaya Doorashada iyo Madaxda Wadatashiga oo…

0

Xoggo la helay ayaa qeexaya arrimaha doorashada Soomaaliya, gaar ahaana Guddiga Doorashooyina Dad-ban ee Dawlad gobaleed ilaa Faderaal ayaa lagu kordhinayaa si deg deg ah xubno ka socda Beesha Caalamka oo howsha doorashada la soconaya.

Guddigan deg deg ah ayaa magacaabidiisu ay ka dambeysay saacado markii ka dib la helay Lacag la dhacay & Waraaqo lagu sameynayo Odayaal cusub, taas oo ay si deg deg ah uga jawaab Musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

Xogtan waxay sheegaysaa in hadda guddiga doorashada loo gudbiyey guddigan oo howshoodu noqonayso in aan waxba lagu dari karin 135-tii Oday ee horey loogu heshiiyey, sidaas oo kalena waxaa la amray in ay gacanta ku hayaan dhaqaalaha doorashada Soomaaliya ku baxaysa.

IGAD ayaa soo gudbisey in lasoo dadajiyo shirka Madaxda Madasha Wadatashiga oo ka furmi lahaa 7-da September Muqdisho, lagana dhigo 3-da bisha September, taas oo hadda loo gudbiyey Hogaamiyaasha Madasha oo dhan.

Dawladdaha daneeya Arrimaha Soomaaliya, IGAD, Midowga Africa, Midowga Yurub & Qaramada Midowbay ayaa dadaa dheer ugu jira sidii ay gacanta ugu qaban lahaayeen arrimaha doorashada, iyagoo doonaya in ay si deg deg ah u qabsoonto doorashadu.