Apple waa inay Ireland siisaa €13 oo bilyan, sida ay go’aan ku gaartay Gudiga Yurub

0

Apple waa inay siisaa Ireland €13bn (£11bn) oo ah lacag canshuur sanadihii la soo dhaafay, sida ay go’aan ku gaartay Gudiga Yurub.

Baaris la samaynayay saddex sano , ayaa go’aan ku gaarat in shirkadda Apple oo ka faa’idaysatay canshuur laga yareeyay dalka Ireland inay sharci daro tahay.

Gudiga ayaa sheegay, in ay u suurto gashay Apple inay bixiyaan canshuur ka yar shirkadaha kale, taasoo u dhiganta inay bixinayeen canshuurta shirkadaha oo ka yar 1%.

Wasiirka maaliyada ee Ireland, Michael Noonan, ayaa sheeegay inuu go’aanka Gudiga Yurub uu aad uga soo horjeedo.

“Waddamada Midowga Yurub ku jira ma siin karaan canshuur dhimis shirkado gooni ah, tani waa sharci daro, sida uu dhigayo sharciga Midowga Yurub” ayay sheegtay gudoomiyaha Midowga Yurub ee tartanka, Margrethe Vestager.

“Baaritaanka Ireland ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ireland ay siisay canshuur dhimis sharci daro ah Apple, iyadoo u suurto galisay canshuur aad uga yar shirkadaha kale inay bixiso sanado badan” ayay sheegtay.

Ireland ayaa racfaan ka qaadan doonta go’aanka.

“Go’aanka Gudiga si aad ah ayaan uga soo horjeedaa,” ayuu Mr Noonan qoraal ku sheegay.

“Go’aanka ayaa ugu qasbaysa inaan waydiisto in golaha wasiirada ay ansixiyaan racfaan qaadasho. Tani waa mid aad loogu baahan yahay si loo ilaaliyo sumcada habkeena canshuurta, in shirkadaha la siiyo hubaal canshuur iyo in laga hortago faragalinta sharciyada Midowga Yurub ee waddamada ka mid ka ah Midowga Yurub habkooda canshuurta.” ayuu sheegay wasiirka maaliyada ee Ireland.