Maxaa ka jira Xadka Soomaaliya iyo Kenya ?

0

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda kenya ayaa shaaca qaaday in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay wadagaan dalka Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Kenya.

Warbixin hoose oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ilaha sirdoonka ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ah ay geysay xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya ,ka dib  markii ay kordheen weerarada ay Al-Shabaab ku qaadayaan ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan xadka labada dal.

Ilaha sirdoonka ee dowladda kenya ayaa sidoo kale laga soo xigtay in isbadel lagu sameeyn doono taliyeyaasha ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan xadka labada dal , islamarkaana ay suurta gal tahay in saraakiil cusub ay yimaadaan .

Dowladda Kenya sidoo kale la sheegaya in ay ka welwelsantahay dhalinyarada kasoo gudbaysa xadka labada dal ee ku biiraya Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayaan ciidanka dowladda Kenya ee ku safraaya xadka labada dal , waxaana weeraro ka dhacay xadka lagu saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Kenya.