DEG DEG+AQRI:- War Saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada Galmudug

0

Shir ay manta 29/08/2016 iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa looga wada hadlay qodobo ay kamid yihiin Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada, guud ahaan arrimaha soomaaliya gaar ahaan tan Galmudug. Shirkaas markii Golaha Wasiiradu ay si qota dheer uga doodeen qodobada ka soo baxay waxaa kamid ah:

In deegaanada Galmudug amnigooda si adag looga shaqeeyo maadaama lagu jiro xili xasaasi ah dalkana ay kadhaceyso doorasho.
Galmudug waxa ay wali dhawreysaa heshiiskii Gaalkacyo lagu kala saxiixday taariiqdu markii ay ahayd 2dii Dec 2015 kaas oo wali qodobada dhiman ay ka fuli Layihiin dhanka Puntland, sidoo kale Galmudug waxa ay cadeyneysaa in aysan marnaba diyaar u ahayn kala xirnaanta bulshada soomaaliyeed Amni Ahaan, Siyaasad Ahaan, iyo Dhaqaala ahaanba.
Goluhu wuxuu maamulka Puntland ugu baaqayaa in ay illaaliyaan darisnimada iyo nabad kuwada noolaashaha shacabka labada maamul, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara xasilooni darro.
Goluhu waxa uu u arkaa in isku socodka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Galmudug iyo Puntland in ay tahay mid lagama maarmaan u ah nolosha dhaqan dhaqaale, kala qoqobnaan iyo xanibaad kasta oo hada lagu soo rogana ay saameyn xun ku yeelan karto nolosha bulshada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug iyo Puntland kunool.
Galmudug waxa ay soo dhawey neysaa wax kasta oo bulshada soomaaliyeed midnimadooda iyo hormarkooda adkeynaya.