TOP+XASAASI:- Xildhibaan soo bandhigay Sir badan oo ku saabsan Doorashada

0

Isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Lacagtii ka badneed Nus Million-ka Dollar ee laga xaday Bank-ga Dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Shariif Maxamed Cabdalle ayaa sheegay in arrintaasi ay sababeyso dhibaatooyin dhinac weliba leh , sida in Beesha Caalamka deeqihii ay u ballan qaadeen Soomaaliya aysan soo dhiibin sababo aaminaad darro ah.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in walaaca ugu badan ee la qabo ay tahay maadaama xatooyada Bank-ga Dhexe lagu soo beegay xilligaan oo ah waqti kala guur ah.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle ayaa ku nuux nuuxsaday in aysan suura gal ahayn in 1 qof kaliya kala baxo Qasnadda Bank-ga Dhexe lacag ka badan Nus Million Dollar sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba waxaa isi soo tarayay walaaca laga muujinayo lacagta xaddigeedu badan yahay ee laga xaday Bank-ga Dhexe ee Soomaaliya.

Waxaana siyaasiyiinta qaar ee Soomaaliyeed ay ka digeen in loo adeegsado lacagaha lagala baxay Bank-ga dhexe in loo adeegsado Arrimaha Doorashooyinka.