TOOS U DHAGEYSO:- Qaabka Maanta loo furay Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe!

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xariga ka jaray Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee Caasimada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in bilaha soo socda ay kasoo guuri doonaan magaalada Baydhabo ayna soo gaari doonaan magaalada Baraawe.

Magaalada Baraawe ayaa ah Caasimada maamulka Koonfur Galbeed waxaana hada uu maamul Koonfur Galbeed Si KMG ah ugu shaqeeya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Magaalada Baraawe ayaa sanadyadii la soo dhaafay waxaa ka socday dhismaha garoonka diyaaradaha iyo Sidoo Dhismaha xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baraawe ayaa lagu wadaa in ay noqoto halka uu sida Rasmiga ah ugu shaqeyn doono maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre (Jeex) ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka sheegay Madaxtooyada Magaalada Baraawe shaqada Maamulka inay ka bilaabanayso Magaalada Baraawe.

HALKAAN KA DHAGEYSO