Shirka TICAD oo Maalintii Labaad ka Socda Kenya

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Noirobi ee caasimada dalka Kenya lagu soo gabagabeeyo shir madaxeedkii u dhaxeeyay madaxda Afrika iyo sidoo kale dowladda Japan.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madax farabadan oo ka kala socday dalalka Qaarada Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa kulan la qaaday Madax  iyo sidoo kale Ganasato ka kala socday dalalka Qaarada Afrika.

Shirka oo shalay ka furmay dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa in ugu dambeyntii in lasoo afjaro lagana soo saaro qodobo muhiim ah oo ay ku cad yihiin waxyaabihii ay isku raaceen dowladda Japan iyo sidoo kale dalalka Afrika.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay si kaltan ah uga kala dhacdo Afrika iyo Japan.