DEG DEG+DHAGEYSO:- Mo Farah Walaalkiis oo lagu eedeynayo inuu Britain dad ku dilay iyo Dowlada oo qaadatay Go’aan looga fogeynayo walaalkiis

0

Walaalka xidiga caanka ah ee Mo Faraax ayaa lagu wado in laga masaafuriyo dalka Britain ka dib markii lagu eedeeyay in uu  Weerar khasaare dhaliyay uu ka geystay dalka Britain.

Axmed Faarax ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay weerar loo adeegsaday Mindi sidaas darteedna Waaxda Socdaalka dalka Britain ay ku eedeeysay in uu jabiyay shuruudaha joogitaanka boqortooyada UK.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in Axmed Faarax uu mudan yahay  in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Walaalka Mo Faarax oo la hadlay Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Britain ayaa codsaday in la cafiyo , islamarkaana weerarkaasi uusan u geysay si kas ah .

” Dabcan aad iyo aad ayaan uga shalaynaya waxa aan  sameeyay waxaana codsanaya in la cafiyo ” ayuu yri Axmed Faarax.

Sidoo sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii Soomaaliya dib loogu soo celiyo uu la kulmaya dhibaatooyin ay ka mid yihiin in la dilo oo naftiisa ay khatar gasho.

” aad ayaan u cabsanaya , maxaa yeelay Soomaaliya amniga waaraa ka ma jiro nolashayda khatar ayay ku jirtaa ” ayuu markale yiri Axmed Faarax.

HALKAAN KA DHAGEYSO