XOG+WARBIXIN XASAASI AH:- Doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa oo weji kale yeelatay

0

Tan iyo markii la soo gabagabeeyay shirkii ugu dambeeyay ee ay Muqdisho ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka isla markaana magacaabay guddi qaabilsan dooraashooyinka dadban ee ka dhacaya dabayaaqada sanadkaan ayaa waxaa muuqata inay sameeyeen muddo kordhin si dalka looga hirgeliyo howlaha la xiriira doorashooyinka.

Inta badan go’aanada iyo heshiiska hoggaamiyeyaasha madasha Qaranka kuma qancin qeybaha bulshada Soomaalida iyo caalamka, inkasta oo Qaramada Midoobay soo dhoweysay heshiiska ay gaareen madaxda Soomaalida.

Guddiga doorashada dadban howlaha horyaala ee ku saabsan qaabka doorashada iyo abaabulka ergooyinka matalaya gobolada dalka ayaa noqotay caqabadda ugu horeysa, taasi oo ku saabsan gobolada qaarkood sida ay ku suurtagaleyso ergooyinka labada aqal u mataleysa sida gobolada Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland ka arrimiyo.

Si kastaba arrimuhu ha ahaadaane waxaa muuqata in howlaha guddiga doorashooyinka ay yeelanayaan weji cusub, kaasi oo la mid ah qaabkii ay ku dhacday doorashooyinkii sanadka 2012-ka ee lagu asaasay Xukuumadda Federaalka xilligeedu dhammaaday, iyadoo doorashada dadban ay noqoneyso mid aan si naba qancin doonin dhammaanba beelaha Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada Federaaliga ah.

Waxaa iyana caqabad kale iyo niyad jab hor leh ka soo baxeysaa Dowladda xilligeeda dhammaaday ee sida dadban muddo kordhin u sameysaneysa, isla markaana dooneysa wixii ka dambeeya bisha Septembar oo ku eg afartii sano Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa maamulayeen talada dalka.

Musuqmaasuq, xatooyada hantida Qaranka oo ay ugu dambeysay lacagtii laga dhacay Bankiga dhexe iyo tacadiyada kale ee ay ka dambeeyaan madaxda ayaa noqonaya kuwo uga sii daraya rajo xumadii la degtay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo horseedeysa in maalin maalmaha ka mid ah lagu maxkamadeeyo dembiyada ay dalka ka gelayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iminka noqday mas’uulka ugu sareeya ee ay ka go’do talada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maalmaha u harsan yihiin, isagoo aakhirkii Baarlamaanka u adeegsaday sharci Madaxweyne kaddib muddo afar sano oo ay la shaqeynayeen, isla markaana u adeegsaday inuu ku rido saddexo Ra’iisal Wasaare oo uu isagu magacaabay.

Arrimaha ugu waaweyn ee calaamad su’aalka saarani waxay tahay sharcinimada uu xilka ku sii heynayo Madaxweyne Xasan kaddib markii uu wakhtiga ka dhaco, waxaana sida muuqata talada dalka la wareegaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ilaa iyo inta Dowlad cusub laga soo dooranayo, inkasta oo Madaxweynuhu daneynayo in hal mar ay isla dhacaan isaga iyo Jawaari.

Awoodaha aan loo meel dayin ee Madaxweynuhu adeegsanayo, waxay maanta taagan tahay inuu faragelin ku sameeyo howlaha guddiga doorashada isagoo matalaya hoggaanka madasha Qaranka, taasi oo sida uu sheegay guddiga ku howlgelayo awaamiirta madaxda madasha Qaranka.

Waxyaabaha layaabka leh ee laga dareemayo xukuumadda xilligeeda dhammaaday oo khilaafsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada waxaa ka mid ah isku shaandheyn iyo magacaabid mas’uuliyiin cusub.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa Damuljadiid si weyn u daneynayaan hoggaaminta dowladda cusub isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba u korayaan sidii ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen doorashooyinka dadban iyagoo markaan adeegsanaya guddiga doorashooyinka.

Ma aha wax ku cusub Soomaalida oo kaliya xukun jacaylka maanta gilgilaya inta badan dalalka Afrika, hase yeeshee taariikhda waa ma guurto aan tirmeynin wixii soo maray dalka Soomaaliya oo tan iyo markii uu xornimada ka qaatay gumeystayaashii dowladihii soo maray ay ugu fac weyn tahay xukuumadii Milateriga, waxaana nasiib darro kale u noqotay shacabka Soomaaliyeed hoggaamiyeyaal wadaniyadda iyo damiirka bani’aadaminimo hareer martay.

Labadii xukuumadood ee ugu dambeeyay midii KMG ahayd iyo xukuumada xilligeedu dhammaaday marka la is barbar dhigo ma aha wax isku dhigma, hase yeeshee ma muuqato ifafaale kooxda xukunka heysa dalka uga hirgelineyso doorasho daah furan oo ay ka qeyb gelayaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo Muqdisho ololahooda si madax bannaan uga sameeyaan musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii waxaa marag ma doonto ah in maalmaha soo socda ay dhacayaan taariikh iyo farriin cad oo shacabka Soomaaliyeed ay ku muujinayaan rabitaankooda, isla markaana shucuurtooda noqoneyso mid taariikhda ku qormeysa haddii aan aanay kooxda uu hor boodayo Madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday la imaanin isbedel iyo tanaasul horseedaya sidii ay dalka uga dhalan lahayd dowlad dalka gaarsiisa doorasho dadweyne.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)