XOG CUSUB:- Doorashadii Soomaaliya oo mar kale dib u dhacaysa

0

Warar hoose oo la helaayo ayaa xaqiijinaya in Doorashadii Soomaaliya ay mar kale dib u dhacayso.

Illo aan soo xiganay ayaa noo sheegay in shaqadii u diyaar garowga Doorashada laga caga jiidayo tasoo keentay in wakhtiguna iska sii jiidmo.

Madaxda Madasha Qaran ayaa hada u ololeynaya in mar labaad ay wakhtiga sii kordhiyaan.

Qorshaha hada ay wadaan Madaxda Dalku ayaa waxay tahay in Wakhtiga doorashada laga dhigo bilaha Janaayo iyo Febaraayo sanadka soo socda ee 2017.

Dhinaca kale wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan in Beesha Caalamka ay aad uga walwal san yihiin qaabka ay Madaxda Soomaalidu wax u wadaan.