WARKII U DAMBEEYEY: Waa Sidee Xaaladdihii ugu dambeeyey ee magaalada Gaalkacyo?

0

Wararkii ugu dambeeyey oo naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in daganaansho ka jiro halka loo yaqaano Xurfada magaalada, oo kutaala Galbeedka Xaafadda Garsoor, oo ay Maleeshiyaad Galmudug dhisanayaan.

Iska horimaad-kii ayaan geysan wax khasaare ah, waxaase wali taagan Xiisad colaadeed, iyadoo ay Maleeshiyaadka Galmudug dib uga durkeen aagii ay xalay soo gaareen.

Hub Aruursi ayaa wali jira, waxaana guuldareystay dadaalo ay wadeen duhurnimadii maanta Odayaasha dhaqanka oo doonayey in Maleeshiyada Galmudug laga qaado deegaankan.

Warar aan ka helnay dhinaca dawladda Puntland ayaa sheegaya in ay dawladdu diidey gabi ahaaba in ay ciidamadeedu tagaan goobtaas saaka, iyadoo ka duuleysa in ujeedada ka dambeysa arrintan ay og tahay.

Dad ka careysan dhulkan la dhisanayo oo kunool Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa iska caabiyey Maleeshiyada Galmudug, waxayna ka dumiyeen saaka dhismaha mid kamid ah.

Saan-Saan dagaal ayaa socda, waxaana halis ah in uu dagaal ka qarxo magaalada Gaalkacyo inkastoo Puntland ay aad iskaga dhawrayso in wax dagaal buuxa ah uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, oo kal hore labada dhinacba ay ku dagaalameen ilaa haddana aan waxba heshiis ah laga gaarin.