WAR DEG DEG:- Ciidamo fara badan oo wadooyinka la soo dhigay iyo Madaxweyne Shariif xasan oo goordhow ku wajahan Baraawe

0

Madaxweyanaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta tagaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo Baraawe ay tahay Caasimadda Maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la sheegay inuu Xariga ka jari doono Xaruumaha Dowladda oo halkaa laga hirgaliyay oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada Baraawe,Garoonka Diyaaradaha iyo Xarumo kale oo Muhiimah.

Ammaanka Magaalada Baraawe ayaa Saaka si weyn loo adkeeyay,waxaana wadooyinka Magaalada lagu Arkayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM kuwaas oo qeyb ka qaadanaya Sugidda Amniga.

Xalay ayaa Magaalada Baraawe lagu soo rogay Bandaw si loo Xaqiijiyo Amniga Magaalada oo Maanta uu tagayo Madaxweynaha Koofur Galbeed.