WAR DEG DEG AH:- Wararkii ugu dambeeyey xaaladda magaalada Gaalkacyo & Galmudug oo laga qabsaday

0

Wararkii ugu dambeeyey oo naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rasaas xoogan laga maqlayo goobtii ay Galmudug ka dhisanaysa guryaha ama xero ciidan sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in mid kamid ah guryihii la dhisey la burburiyey, iyadoo maleeshiyaad deegaanka ah ay hada kusugan yihiin goobta.

Warar ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlay meelaha qaarkood, iyadoo ay hadda goobta gaaree ciidamada dawladda Puntland.

Shirar u socday dawladda iyo Odayaasha Dhaqanka ee magalaada Gaalkacyo ayaan la aqoon waxyaabaha ka soo baxay ilaa hadda, maadaama ay Saxaafada u diideen in ay faahfaahin bixiyaan.