Musharax sheegay in Lacagtii la dhacay ay Shaki gelineyso in lala tartamo Xasan Sheekh

0

Abdiraxmaan Abdishakur Warsame oo ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in lacagtii dhawaan lagala baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ay ku Abuurtay Musharaxiinta iyo dadka Soomaaliyeed shaki ku aadan in loo adeegsado Doorashada Madaxtinimo ee Soomaalia.

Musharax Warsame ayaa carabka ku adkeeyay in 530 kun doolar lagala baxo Bangiga dhexe ay muujineyso Halis Amni iyo xasilooni daro suuqa Maaliyada Soomaaliya, xili dalka ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin qaran.

Waxa uu tilmaamay in cadadka lacagta lagala baxay qasnada bangiga dhexe ay ka badan tahay inta uu hada soo bandhigay Gudoomiyaha Bangiga dhexe.

Musharax Abdiraxman Abdishakur Warsame oo kamid ah dadka sanadkan ugu cad-cad tartanka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ku taliyay in la sameeyo gudi Madaxbanaan oo ka kooban Soomaali iyo xubno ka socoda beesha Caalamka, kuwaas oo baaritaan sax ah ku sameeya tirada lacagta lagala baxay qasnada bangiga dhexe iyo sababta lacag been abuura ay mudo intaa la eg ay ugu jirtay Qasanada Bangiga.